U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Hore Oo Masuuliyad Darro Ku Eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Siyaasi Ex xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Dhuxul) oo kamid ahaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News isagoo ku sugan magaalada Baladweyne, kaga hadlay magacaabis uu madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare sameeyay oo ku aadan maamulka gobolka Hiiraan.

Wuxuu eedeeyn u soo jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku sheegay masuuliyad darro magacaabista uu sameeyay.

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Daba-geed.

Waxaa sidoo kale uu ka hadlay muran xagga canshuuraha gobolka oo in muddo ahba taagnaa kaasoo kal hore sabab u noqday iyo dhammaan maamulka gobolka Hiiraan iyo kii degmada Baladweyne looga yeero magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News