U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Dowladda Ugu Baaqay Iney La Fariisato Maamul Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Muuse Axmed Ismaaciil oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay iney la fariisato maamul goboleedyada si meesha looga saaro is faham darida jirto.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay iney u aragto maamul goboleedyada kuwo u baahan kaliya in wixii ay tabanayaan lagala xaajoodo si looga fogaado kala fogaanshiyo iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in is faham waa dhanka Dastuurka uu jiro, ayna isku qasan yihiin dhanka awoodda iyo cid walbo waxa ay xaqqa u leedahay.

Xildhibaan Muuse ayaa dhanka kale kula taliyey xukuumadda in la sameeyo wasiirka maamul goboleedyada, kaasi oo la socdo wax walbo oo tabayaan maamulladan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News