U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Ku Baaqay In Wax Loo Qabto Dadka Ka Barakacay Fatahaadda Wabiga Shabelle

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax loogu qabto dadk uu saameeyey fataahadda Wabiga Shabelle.

Waxa uu sheegay xildhibaanka iney aad uga xunyihiin waxa ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, islamarkaana ay ahayd in laga sii taxadarro.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ka xildhibaanno ah ay ka shaqeynayaan sidii loogu gurman lahaa dadkan, islamarkaana dadka go’doonsan loo badbaadin lahaa.

Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in kaalin degdeg ah ka qaataan samotabixinta dadkan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News