U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Ku Eedeeyay DFS In Ay Ka Dambeyso Dagaalka Tuka-raq

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Saciid Xaaji Cilmi oo isagoo ku sugan magaalada Laascaanood Wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalka Tuka-raq ay ka dambeyso dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Xildhibaan Saciid Xaaji Cilmi ayaa tilmaamay in ay ogyihiin in dagaalka laga abaabulay Magaalada Muqdisho islamarkaasna Somaliland ay is difaaceyso waxaa uuna yiri “Somaliland iyagu dagaalka ma aysan doonan waa dagaal laga soo abaabulayo Muqdisho waxaana ka dambeyso dowladda Fedaraalka”.

Deegaanka Tuka-raq weli waxaa ka jira xiisad colaadeed oo u dhaxeysa muumullada Somaliland iyo Puntland kuwaasi oo isku hayo cidda Maamuleysa Tuka-raq.

 

 

Goobjoog News