U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Ku Eedeeyay Waare Inuu Diiday La Shaqeynta DFS

Sheeko:Dalka, War

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (Kala-Dire) oo isna ka mid ah baarlamaanka Hirshabeelle ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ayaa madaxweyne Waare ku eedeeyay in uusan waxba ka qaban howlihii loo igmaday.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Waare uu ku fashilmay hoggaaminta Hirshabeelle uguna baaqayaan in uu xilka iska tiriyo.

Xildhibaan Aadan Kala-Dire ayaa sheegay in ka baarlamaan ahaan ay doonayaan isbedal dhab ah oo ka dhaca Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle uu ka soo horjeestay la shaqeynta dowladda federaalka.

Goobjoog News oo weydiisay warar isa soo taraya oo sheegaya in xubno ka tirsan xukuumadda federaalka ay ku lug leeyihiin khilaafka xubno ka mid ah baarlamaanka iyo xukuumadda Hirshabeelle ayaa beeniyay warkaasi.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News