U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Sakariye Maxamuud Oo Sheegay In Madaxda Dowladda Sameeyeen Qiyaano Qaran

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa dalka ay sameeyeen khiyaano qaran kaddib markii muwaadin Soomaaliyeed ay Itoobiya u dhiibeen.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku lug leeyihiin tallaabadii ninkaas ka tirsanaa ONLF loogu dhiibay Itoobiya.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay kala caddaan doonto in Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan iyo in caasimadda dalkani tahay Addis Ababa oo Itoobiya caasimad u ah.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud ayaa sheegay in wax badan shacabka Soomaaliyeed la soo sirayay hase yeeshee iminka la kala ogaan doono xaqiiqadu waxay tahay.

Waxaa uu tilmaamay in Itoobiya ay garoonka Muqdisho uga furtay jeebad ay ku xireen Soomaalida taasoo uu ku qeexay bahdilka qarankani lala daba taagan yahay.

Halkaan hoose ka dhageyso

WAREYSI XILDHIBAAN ZAKARIYE MAXAMUUD XAAJI CABDI 31-08-2017ariye

Goobjoog News