U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Shariif Cabdalla Oo Sheegay In Si Caddaalad Ah Ay Ku Dhacday Doorashadii Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kana mid ahaa musharraxiintii shalay u tartmay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in doorashadaasi ay si caddaalad ah ku dhacday.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in sababihii uu u tanaasulay ay ahayd kadib markii isaga codadkii uu helay ay aad u yaraayeen.

Waxa uu xildhibaanka ku ammaanay guddiga qabanqaabada doorashada golaha shacabka sida ay waajibkooda u guteen, doorashadana kusoo dhammaatay si caddaalad ah.

Ugu dambeyn, xildhibaan Shariif ayaa u rajeeyey guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka in shaqada loo doortay u fududaato, waxqabadna la yimaado.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News