U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Shariif Cabdalla “Sidee Buu Nagu Cannaanayaa Muudeey, Iyadoo Uu Joogo Mursal”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo maanta ka hadlayay kulankoodii gollaha shacabka baarlamaanka federaalka kaasoo u baaqday kooram la’aan ayaa ka hadlay hab dhaqanka guddoonka gollahaasi.

Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay qalad tahay iyadoo guddoomiyihii gollaha shacabka mudane Maxamed Mursal uu xaadir ku yahay madasha inuu xildhibaannada cannaanto guddoomiye xigeenkiisa koowaad.

Xildhibaanka ka tirsan gollaha shacabka Shariif Cabdalla ayaa su’aal galiyay sababta arrintaas keentay, isagoo sheegay in guddoomiye xigeen uu xildhibaannada la hadli karo marka guddoomiyaha uu maqan yahay.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News