U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Sheegay In La Xalinayo Khilaafka Madaxda Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay xal degdeg ah u raadin doonaan khilaafka hadda ka dhex taagan madaxda ugu sarreysa ee maamulka Galmudug.

Xildhibaan Mahad Cilmi Cali oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ku sheegay in qaab sharci ah ay ku xalin doonaan khilaafkaan.

Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug ay xalin doonaan khilaafka arrintaan ka taagan, melena la isugu keeni doono madaxa si khilaafka soo cusboonaaday aanu bulshada u saameyn.

“Annaga si dhow baan xalkeeda u geli doonnaa, waxay tani u baahan tahay in hay’adaha ku shaqada leh ay go’aankooda qaataa” ayuu yiri xildhibaanka.

Madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug sida madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa isku khilaafsan go’aanka xiisadda Khaliijka.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada