U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Sheegay In Mooshin Ay Ka Wadaan Madaxweynaha Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in ay mooshin ka wadaan madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Faarax in Waare ay ku eedeynayaan horus socod la’aan iyo inaanu la tashan golaha sharci dejinta ee maamulkaasi.

“Mooshinnada wey kala yihiin, mooshin wuu jiraa laakiinse kuma dhahayo waa mid xilka looga qaadayo madaxweynaha ama waa mid wax lagu toosinayo” ayuu yiri xilhibaan Faarax.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa sheegay in xiisada ka jirta B/weyne uu sabab u yahay madaxweyne Waare oo isaga oo aan la tashan beelaha Hiiraan sameeyey isbedallo dhanka maamullada gobolka iyo B/weyne ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News