U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Warsame “DFS Waxay Culeysyo Saartay Hirshabeelle”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan  baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay culeyso siyaasadeed saartay maamulkaasi.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baralamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in shirka Kismaayo uu soo dhoweynayo, islamarkaana ay filayaan in maamullada kale ee dalka ka dhisan ay wax la qeybsadaan.

Wuxuu sheegay in culeysyo dowladda ay ku heyso Hirshabeelle culeysyo aan saarnayn dowlad goboleedyada kale.

Dhanka kale, wuxuu daboolka ka qaaday in xukuumadda Muqdisho ay ula macaamilayso Hirshabeelle xaafad kamid ah magaalada Xamar.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare dowladdu ay culeyso ku saarayso sidii uusan uga qeyb gali lahayn shirka iskaashiga dowlad goboleedyada ee Kismaayo ka furmaya.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News