U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Xaashi “Cosoble Waa Nin Daad Qaaday Xumbo Qabsay”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Nuur Xaashi oo kamid ah mudnayaasha baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey kulamo ay magaalada Jowhar kula qaateen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in iyaga oo 80 xildhibaan ah iyo guddoonkooda ay la kulmeen wasiirada kala ah arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow iyo wasiirka waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan.

Wasiirada ayuu sheegay iney ahaayeen kuwo xaqiiqo raadin ah, una sheegeen iney qiimeynayeen sida ay wax u dhaceen, wixii ay arkeenna dib ay ula laaban doonaan Ra’iisul wasaaraha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maalmahan dambe waxaa Jowhar ka taagnaa kacsanaan siyaasadeed, una dhaxeysay xildhibaannada Hirshabelle iyo madaxweynihii xilka laga qaaday Cosoble.

Halkaan hoose ka dhageyso

WAREYSI XILDHIBAAN NUUR XAASHI 18-08-2017

Goobjoog News