U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanadii Keenay Mooshinka ka dhanka Ra’iisul Wasaaraha oo Maanta Soo Saaray Qodobo (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

Xildhibaanadii keenay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay Seddax qodob oo ku wajahan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xildhibaanada mooshinka kasoo horjeeda.

Waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan marka hore hadalkii ku aadanaa in xal loo helo buuqa ka jira Baarlamaanka, iyaga oo tilmaamay in ay taasi gacan ka siin doonaan gudoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin erayo siyaasadeed oo ay sheegeen inuu adeegsaday gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, sida “Kala Qeybsanaan” waa sida ay hadalka u dhigeene.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayeey usoo jeediyeen in maalinta Axada eek u beegan 30-ka bishaan uu furo dooda mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaaraha.

Hadalkooda waxay raaciyeen in uu aad u yaraanayo dulqaadkooda ku wajahan qaabka uu xilligaan gudoonka baarlamaanka u maareynayo habsami u socdoka howlaha baarlamaanka.

Sidoo kale xildhibaanadaan ayaa soo jeediyay in talaabo adag oo ku aadan anshax marin ah laga qaado xildhibaanadii buuqa ku sameeyay xarunta golaha shacabka waa sida warqadda ku qoran.

Dhanka kale waxay ka hadleen shir jaraa’id oo dhawaan uu qabtay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, waxayna ay sheegeen in ay ka anfariireen hadalo uu sheegay Ra’iisl wasaaraha.

Waxay ku dhaliileen in uu soo abaabulay xildhibaanadii ku buuqay Baarlamaanka ee kasoo horjeeday mooshinka, walibana ku abaal mariyay.

Halkaan hoose ka dhageyso Shirka Jaraa’id.

Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka

page1 001
page2 001

page3 001