U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaannada Hirshabelle Oo Bilaabay La Xisaabtan Dhab Ah

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa bilaabay isla xisaabtan dhab ah oo ka bilaabanaya Xildhibaanka illaa meesha ugu dambeysa ee maamulkaasi.

Waxaa maalmahan ay xildhibaannada wadaan la xisaabtanka guddiyada baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim ayaa sheegay in guddiyada joogtada ah la xisaabtamayaan hadda, una gudbi doonaan wasiirada iyo madaxda sare ee maamulkaasi, si ay u hagaagto howlaha shaqo ee horyaalla maamulkooda.

Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in qof walbo shaqadiisa lagu xisaabin doono nidaam dastuuri ah, islamarkaana cid walbo oo maamulka Hirshabelle ah ay sugeyso.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News