U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Hirshabelle Ah Ayaa Ku Wajahan B/weyne

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaraay wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Wafdigan ayaa ka mid ah sida la sheegay xildhibaanno Hirshabelle ah, iyo kuwo ka tirsan golaha shacabka oo kasoo jeeda gobolladan.

Waxay kaalin ka qaadan doonaan gurmadka loogu jiro sidii wax loogu qaban lahaa dadka uu saameeyay fataahadda Wabiga Shabelle.

Jimcihii shalay ayaa lagu waday in wafdigan ay gaaraan magaalada B/weyne hase ahaatee roob xooggan oo ka da’ayey magaaladaasi ayeey ku degi waayeen.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku sugan magaalada B/weyne oo ay ka jiraan saameyn xooggan oo uu reebay fataahadda Wabiga Shabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News