U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Ka Baxay Garabka Cosoble

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa ka soconaya kulamo siyaasadeed oo lagaga hadlayo aayaha maamulkaasi.

Iyadoo dhowaan baarlamaanku ay cod aqlabiyad leh xilka kaga qaadeen madaxweynihii Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa Jowhar lagaga dhawaaqay guddi ka kooban sagaal xubnood oo qaban qaabin doona doorashada madaxtinimada Hirshabeelle.

Kulamo gooni gooni ah ayaa ka soconaya magaalada Jowhar inkastoo Madaxweyne Cosoble uu sheegayo in weli uu yahay madaxweynaha rasmiga ee maamulka.

Wariyaheena Cismaan Cabdalla Cismaan ayaa soo sheegaya in Jowhar laga dareemayo kulamadan iyo sidoo kale siyaasadda cakiran ee ka jirta magaaladaasi.

Dhanka kale, Axmed Cabdi Cali oo habeen kahor Madaxtooyada Hirshabelle ka sheegay inuu yahay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa arrinkaasi raaligelin ka bixiyey, wuxuuna sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka saxda ah yahay Cismaan Barre Maxamed.

Sidoo kale Waxaa jira xildhibaanno taageersanaa Cosoble oo hadda usoo wareegay dhanka guddoonka baarlamaanka, iyadoo guddiga qabanqaabada doorashada hadda laga sugayo iney ku dhowaaqaan waqtiga doorashada iyo shuruudaha musharraxiinta.

Halkaan hoose ka dhageyso wararkii ugu dambeeyay

Goobjoog News