U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Ka Digey In Wax Laga Bedalo Dastuurka Puntland

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka digey in la furo Dastuurka maamulkaasi.

Waxa ay sheegeen in ay jiraan xildhibaanno wada mooshin la doonayo in dastuurka lagu furo si loo kordhiyo tirada xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi oo hadda ah 66 mudane.

Mudanayaashan oo uu ka mid yahay Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi ayaa sheegay in dastuurka aan la furi doonin inta laga gaarayo Afti dadweyne.

Siyaasiyiin ayeey sheegeen in ay wataan qorshahan oo ay ku doonayaan in Dastuurka la furo oo wax laga bedalo qodobka tirada xildhibaannada baarlamaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News