U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Ka Tirsan Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Xiisadda B/xaawo

Sheeko:Dalka

Mudanayaal ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xadgudubka dowladda Kenya ee dhanka degmada B/xaawo.

Waxay xildhibaannadan sheegeen qaarkood, in dowladda Kenya ay si cad ugu xadgudubtay xuduudda aan rasmiga ahayn ee Labada dhinac, sidoo kalena ay waxyeello u geysatay shacab aan waxbo galabsan.

Senator C/laahi Sheekh Ismaaciil oo laga soo doortay Jubbaland, ayaa sheegay in markii dowladda ay ku baxday duulaanka Kenya ee dhanka xadka ay yaraatay dardartii ay wadeen, balse Saddex Bil kadib ay dib usoo rogaal celiyeen.

Cabdullahi Sheekh, waxa uu sheegay in maamulka Mandhera ay damceen in si hoose ula hadlaan maamulka B/xaawo si loo dhammeystiro dhismaha darbiga balse ay ka biyo diideen.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Senetarada:

Goobjoog News