U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Qiimeyn Ku Soo Sameeyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Shalay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno  Ka Tirsan Baarlamaanka ayaa Qiimeyn Ku Sameeyay Khasaarahii Ka Dhashay Weerarkii Xarunta Degmada Hodan.

Waxa ay sheegeen in guddoonka golaha shacabka usoo direy iney soo qiimeeyaan khasaarihii ka dhashay qaraxii shalay lagu weeraray xarunta degmada Hodan.

Xildhibaannada waxaa ay sheegeen in dowladda Federaalka looga baahanyahay in amniga shacabka ay wax badan ka qabato si loo yareeyo dhibatooyinka soo gaara.

Shalay ayey aheyd Markii baabuur walxaha qaraxa laga soo buuxiyay lagu weerar xarunta degmada Hodan waxaana ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha xarunta iyo guryo ka ag dhowaa.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay dad gaaraya 6 qof halka dhaawacuna uu ahaa ku dhowaad 16 qof waxaana sheegtay mas’uuliyadda weerarka Alshabaab.