U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Ka Tirsan Hirshabelle Oo Qaadacay Go’aankii Maamul Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan go,aankii maamul gobaleedyada ay ku qaateen magaalada Kismaayo ee jubbballand.

Waxa ay sheegeen in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle go,aankaas uu kaligiis qaatay oo aysan jirin cid uu kala tashtay,sidaasi darteedna iyagu ay qaadacsan yihiin war murtiyadeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo.

Xildhibaannadan waxaa ay sheegeen in go’aanka uu qaatay Madaxweyne Waare islamarkaasna uusan kala tashan baarlamaanka iyo guddoonka Hirshabelle labadaba sidaas daraateedna waxaa ay ka dalbadeen madaxweynaha in uu arrinkaasi raali gelin ka bixiyo.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada  sideedii bishan ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah.

 

 

 

 

Goobjoog News