U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Kahor Yimid Go’aankii Ay Xukuumadda Ka Qaadatay Qalbi Dhagax

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay go’aankii ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay C/kariin Qalbi Dhagax.

Xildhibaan Sakariye oo kamid ahaa mudanyasha kulankaan yeeshay ayaa sheegay iney la yaabeen markii ay maqleen go’aankii xukuumadda, markii horena ay radinayeen cidda dhiibtay Qalbi Dhagax.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in xukuumadda aanay ka fileyn go’ankii ay maanta qaadatay, shacabkana ay sugayeen war kaasi ka duwan.

Dhanka kale, xildhibaan Mahad Salaad oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sharaxay hadalkii wasiirada ee ahayd inuu isaga saxiixay heshiis horey Itoobiya loola galay 2-dii May 2016.

Wuxuu tilmaamay in heshiiskaasi aanu ahayn mid ay wada gaareen Labo dowladood, balse u dhaxeeyay maamulka Soomaali galbeed iyo sidoo kale Galmudug, laguna xalinayey dagaal beeleed u dhaxeeyay beello Labadaasi dhinac kasoo wada jeeda.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News