U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Sheegay In DFS Aanay Fasaxin Markabkii Xoolaha Siday Ee Ku Xiyirnaa Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo jeeda Somaliland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar ay sheegtay xukuumadda federaalka, kuwaasi oo ah iney fasaxday markab siday xoolo badan, kaasi oo ku xayirnaa Sacuudiga.

Waxay sheegeen Mudanayaashan, in xukuumadda Kheyre ay isku dayeeso iney cunaqabateyn saarto Somaliland, islamarkaana marar badan isku dayeen in si awood ah lagu keeno maamulkaasi.

Dhanka kale, Xildhibaannadan qaarkood ayaa kahor yimid guddi dhowaan uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wadahadallada dowladda dhexe iyo Somaliland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News