U bood dhigaalka

Dhageyso: Xoolo Dhaqato Cabasho Ka Ah Ciidamada Puntland

Sheeko:Amniga

Xoolo dhaqatada ku sugan degaan hoostaga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka Cabanaya ciidamada Puntland oo ay sheegeen in ka burburiyeen Barkado iyo guryo ay lahaayeen.

Dadkan oo ku sugan deegaanka deenka Cali Waal ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay si xoog ah ku burburiyeen hantidooda islamarkaana aanay jirin cid wax ka qabata.

Waxa ay sheegeen dadkan in arrintan ay waxbadan u dhimeyso heshiisyadii nabadda ee Gaalkacyo, waxaana ay maamulka Puntland ugu baaqeen in magdhow ka bixiyaan arrintaasi.

Dhanka kale, waxaa halkaasi gaaray guddiga nabadeynta odoyaasha dhaqanka ee Galmudug ayaa booqday deegaankan, waxaana ay sheegeen in arrintaasi ka xun yihiin.

Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay ka xun yihiin in la baabi’iyo Barkado ay dad shacab ah sameysteen, wuxuuna ku baaqay in aan arrintaasi laga falcelin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News