U bood dhigaalka

Dhageyso: Yaa Bedali Kara Taageerada Imaaraadka Ee Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood ayaa waxay ka aragti dhiibteen cidda ay u arkaan in xilligaan ay bedali karto taageerada Imaaraadka ee Soomaaliya.

Dadkan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Imaaraadka taageeradiisa la bedali karo, islamarkaana ay jiraan dalal badan oo saaxiib la ah Soomaaliya.

Waxay shacabka qaarkood ay sheegeen in dowladda Qatar ay tahay dowladda hadda sida ugu dhaqsiyaha badan u bedali karto taageerada Imaaraadka.

Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan sheegay in ay joojiyeen taageeradii iyo tababaradii ay siin jireen ciidanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News