U bood dhigaalka

Dhageyso: Yaa DFS Ka Dalbaday In Ciidamo Ay Geyso Magaalada Baydhabo?

Sheeko:Amniga

Todobaadkii tagey, gaar ahaan Khamiistii aynu kasoo gudubnay waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay la geeyey ciidamo Booliis ah oo tiro ahaan gaaraya 100, kuwaasi oo ay halkaasi u dirtey dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa jirtay hadal hayn badan oo arrintan ka timid, iyadoo durbaba ay kahor yimaadeen ciidankaasi siyaasiyiin, xildhibaanno iyo waxgarad ku sugan magaaladaasi.

Wasaaradda amniga K/galbeed ayaa sheegtay in ciidanka la geeyey magaalada Baydhabo ay iyaga ka dalbadeen dowladda federaalka Soomaaliya si ay ammaanka magaaladaasi wax uga qabteen.

Xasan Xuseen Maxamed, wasiirka wasaaraddan ayaa sheegay in ciidamadan ay sugi doonaan ammaanka halka ay ka dhici doonto doorashada, sidoo kalena ay la socon doonaan dhaq-dhaqaaqa amni ee magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News