U bood dhigaalka

Dhageyso: Waa Kuma Siyaasiga Xanaaqsan?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo maalinkii Khamiista ahaa ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa  weerar afka ku qaaday siyaasiyiinta uu mucaaradada kala kulmo iyo maamul goboleedyada ku kacsan dowladdiisa ee xiriirka u jaray, isagoo ugu yeeray kalmadda ah “Siyaasiga Xanaaqsan”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida la xasuusto weerarro afka ah ku qaaday dadka dhaliila maamulka Villa Somalia, waxaana la xasuusta sidaas oo kale in madaxweynuhu uu siyaasiyiin u dhaleeceeyay 10-11-2017 xilli habeenimo ah.

Haddaba, iyadoo ay arrintaas jirto ayaa dadka siyaasadda odrosa uga hadlayaan siyaabo kale duwan.

Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim) oo la hadlay Goobjoog News islamarkaana ay wax ka weydiisay hadalkani ayaa sheegay in kalmadda uu madaxweynaha ugu yeeray siyaasiyiinta ka soo horjeeda ee ah “Siyaasiga Xanaaqsan” ay wanaagsanaan lahayd in halkii uu Arday iyo Maato kala hadlay uu ka jeediyo fadhiga baarlamaanka Soomaaliya ama dadka kale ee mudan in siyaasadda lagaga la hadlo.

Wuxuu qabaa danjiraha in marka la eego halbeegga khudbaddii madaxweyne Maxamed Farmaajo ee hadalkaasi uu ku soo hadal qaaday ay ka muuqatay caro oo isagu laftiisu uusan xanaaq ka marnayn.

Hoos Ka Dhageyso:

Goobjoog News