U bood dhigaalka

Dhahar oo Markii Ugu Horreysay Laga Hirgalinayo Waddo Laami ah.

Sheeko:Amniga

Degmada dhahar ee gobolka sanaag ayaa laga bilaabay dhismaha Waddadii ugu horreysay oo Laami ah oo dhex mari doonta bartamaha magaalada oo cabirkeedu dhanyahay 1km iyo bar, taasi oo fududeyn doonta isu socodka gaadiidka iyo Ganacsiga deegaanka.

Dadka deegaan ayaa isku tashi ku dhisanaya jidkan, waxayna taageero ka helayaan Hey’ada Save Children, maamulka degmadaas oo puntland xaruun uga dhigtay Gobol lagu magacaabo Haylaan ayaa xaqiijiyay in la bilaabay dhismaha jidka laamiga ah.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Haylaan Fu’aad Maxamed Muuse ayaa sheegay in dadka deegaanka ay wacyigelinayaan inay qaybtooda qaataan dhismaha laamiga, ayna maamulka kala shaqeeyaan habkii loo dhamaystiri lahaa jidka, oo ay ugu muhiisan tahay in la dumiyo dhismayaasha soo galay Waddada iyo dhirta lagu beeray.

Gobolka Sanaag waxaa ka socota dhismaha Waddo kale oo laami ah oo isku xirta gobolada Sanaag iyo bari, taasi oo ka bilaabtay Deegaanka Ceel-daahir kuna eg degmadda Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag, Walaw aan la dhamaystirin haddana dadka gobolkaasi ku dhaqan iyo guud ahaaN shacabka puntland ayaa ka qaybgalay Dhaqaalaha lagu dhisayo Laamigaas oo wajigii Labaad maraya.

Goobjoog News