U bood dhigaalka

Dhalinyarada Ku Dhaqan Magaalada Baladweyne Oo Cambaareeyay Hadalkii Dowladda Kenya

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa cambaareeyay hadallo horay uga soo yeeray dowladda Kenya iyo sidoo kale xayiraadda dowladaasi kusoo rogtay Xawaaladaha Soomaalida qaarkood.

Yaxye Cismaan waa gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee garsoor, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay hadalkii kasoo yaaray madaxweyne ku xigeenka Kenya, kaasi oo ahaa in qaxootiga Soomaaliyeed ay xoog isaga rari doonaan.

Waxa uu sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid aan loo meel dayin, islamarkaana dowladda Kenya looga baahnaa in ay u sabarto inta dadka Soomaaliyeed ay iyaguba si iskood ah dalkooda ugu soo noqonayaan.

Dhinaca kale Yaxye ayaa si kulul u cambaareeyay xayiraadda Xawilaadaha Soomaalida qaarkood oo dowladda Kenya kusoo rogtay, waxaana uu sheegay in taasi aanay waafaqsaneen sharciyadda ganacsiga iyo tan bini’aadanimo.

“Dadka dhibaatooyin badan ayeey qabaan, ma ahan in qaxootiga loo caga jugleeyo, dowladda tabarteeda wey yar tahay, mana u babac dhigi karto in ay wada qaabisho qaxootiga Kenya oo dhan, midda kale waxaa xaalad bini’aadanimo keeni karta xawaaladaha Kenya ay kusoo rogtay xayiraadda, hadii aan waxaas oo dhan degdeg wax looga qaban xaalad adag ayeey wajihi doonaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Yaxye Cismaan.

Dalka Kenya waxaa ku sugan Qaxooti badan oo Soomaaliyeed, waxaana dadkaasi xilligaan ay yihiin kuwo ku nool xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Goobjoog News