U bood dhigaalka

Dhalinyaro Bakoorado iyo Midiyo Ku Hubaysan oo Dhibaato ku Haya Dadka iyo Ganacsiga Gudaha Magaalada Burco

Sheeko:Dalka

Dhallinyaro hubaysan oo koox koox u socta ayaa habeenkii waxay dhibaatooyin ka gaystaan gudaha magaalada Burco iyagoo boob iyo waxyeellaba iskugu dara dadka magaalada.

Dhibaatadan oo taagnayd Lixdii bilood ee ugu dambeysay  ayaa tiro dad ah waxyeello iyo jir dil  loogu gaystay meelo kala duwan oo  ka tirsan gudaha magaalada Burco, iyagoo baarta dukaamadooda oo ay si gaar ah u soo bartimaameed sadaan, dhallinyaradan ayaa ku hubaysan middiyo iyo biro kala duwan oo ay ku cabsi gelinayaan dadka mararka qaarna uba adeegsada oo ku waxyeeleeya dadka ay rabaan iney dhacaan.

Odayaasha xaafadaha  Burco ayaa cabshooyin isasoo taraya  ka soo jeediyay arrintan iyagoo  Booliska magaalada Burco ku eedeeyay iney wax ka qaban waayeen dhallinyaradani oo ay dacwadooda dhawr mar u gudbiyeen.

Maxamed Suldaan Axmed oo ah nin ay madaxa waxyeello uga gaysteen dhallinyaradani  xilli ay dukaankiisa ugu soo galeen oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay inay  jir dil iyo boob loo gaystay, isagoo sheegay inaanay jirin cid dawladda ka tirsan oo arrintiisa dabagashay.

Axmed Cali  oo ka mid ah odayaasha Burco ayaa isna waxa uu sheegay inay arrintani keeni karto mushkilad dhanka socodka habeenkii ah, gaar ahaan dadka shaqeeya oo habeenkii xilliyada dambe u socdaalada howgooda, waxaanuu yiri,” aniga ehelkayga saddex ka mid ah oo Labo wada socdeen ayaa midba wax yeello loo gaystay, waana dhallinyaradeennii oo shaqo la’aan iyo balwado iskugu biirtay  markaas waa in wax laga qabto oo shaqo loo sameeyo dhaqan Celinna loo sameeyo”.

Hubka waxyeelada gaysan kara sida; bakooradaha iyo midiyaha kala duwan ayey dhaqan ahaan sahlan tahay inuu qofku si caadi ah iskaga wato gudaha magaalada Burco, taasi oo dhallinyaradana fursad kale u noqota.

Goobjoog News