U bood dhigaalka

Dhalinyaro Is Xil-qaantay Oo Waddooyinka Muqdisho Ka Sameeya Howlo Afurin Ah

Sheeko:Dalka

Dhalinyaradaan ayaa afuriya dadka uu afurka ka daaho ama kaga dhaco wadooyinka, maheradaha ganaciga  kuwaas oo ka gaari waaya xilliga afurka in ay tagaan guryahooda, waxaa kaloo u dheeriya  in ay afurka gaarsiiyaan dadka taagta daran ee ku sugan hareeraha waddooyinka.

Haddaba dhalinyaradaan ayaa ah kuwoo iskood isku xil-qaamay ah,  iyaga oo  dhaqaalaha afurintaan ka aruuriya dhexdooda.

Mustaf  waa madaxa dhalinyaradaan waxa uu sharaxayaa in ay howshaan bilaabaan marka la gaarsho bisha barakeysan ee Ramadaan,  waxa uu intaas ku daray in ay wadeen howshaan muddo ku dhow labo sano .

“ Waxaan ugu talo galnay dadka isgosyada taagan waxaa ugu talo galnay dadka gawaarida saaran oo aan ka gaarin guryahooda, waxaan ugu talo galnay  dadka masaakiinta ah kuwaas oo taagan waddooyinka, mashruucan waa mid ku cusub Soomaaliya waxaana ka soo maan guurinay wadamada carabta”.

Ujeedooyinka ay dhalinyaradaan ay u sameynayaa afurintaan ayaa waxa ay ku sheegeen in ay badalaan hab dhaqanka uu aduunka ka heysto Soomaaliya kaasi oo ah in Soomaaliya ay tahay dal iyo dad sabool kuwaas oo ku tiirsan kaliya waxa ay soo gaarsiiyan hay’adaha samafalka iyo in caalamka ay u muujiyaan in dadka Soomaaliyeed ay is gargaaraan.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaan ayaa waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay taakuleeyaan dadkooda tusaale wanaagsanna ay u noqdaan  dhalinyarada kale  si dadka ay iskugu tiirsanaadaan .

Bisha ramadaan ayaa kaga duwan acmaasha ay dadka sameeyaan bilaha kale  taasi oo u dheer in dadka Soomaaliyeed ay istaageeraan inta lagu gudo jiro bisha ramadaan iyada oo qaar kamida bulshada Soomaaliyeed ay u istaagaan ay caawiyaan walaalahooda kale oo aan heli karin wax ay ku afuraan.

Dhalinyaradaan ayaa waxa ay sheegeen in maqribkii ay afuriyaan dad gaaraya lix boqol ilaa kun qof oo iskugu jira dadka maraya waddooyinka iyo kuwa tabaaleysan oo aan heli karin wax ay ku afuraan.

W/Q: Jaamac Cali Shidane

RRRRR SHI