U bood dhigaalka

Dhalinyaro Oday Dhaqameed Ku Toogtay Muqdisho Oo La Qabtay

Sheeko:Dalka

Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaa galabta lagu qabtay labo dhalinyaro ah, raggan ayaa halkaas ku toogtay oday dhaqameed ku sugnaa xaafadda.

Labadan nin ee dhalinyarada ah ayaa dhaawacay Oday dhaqameed Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hilowle Xeefow Xuseen, Hilowle  oo ah odayga la dhaawacay waxaa la sheegayaa in uu ku jiray  masaajid ku yaallo xaafadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in raggaas loo gudbin doono xeer ilaalinta si cadaaladda u maraan, askarta dhalinyarada soo qabatayna la siin doono min 5000$ oo abaalmarin ah.

Jimcaale waxaa uu shacabka iyo ciidamada ammaanka ka codsaday in ay isla shaqeeyaan, iskana qabtaan dadka dhibka ku wada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News