U bood dhigaalka

Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Lagu La’aa Dalka Koonfur Afrika Oo La Helay

Sheeko:Amniga

Dalka Koonfur Afrika ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu weysnaa Saddex Dhalinyaro Soomaali ah,kuwaas oo la waayey xilli uu boob ka socday Goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanka Soweto oo ka tirsan Magaalada Johannesberg   ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Qaar ka mid ah Dhalinyaro kale oo gurmad u sameeyay Soomaalida Ganacsigooda la boobayay ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in la helay, iyaga oo badqaba Saddex Dhalinayarada ah, isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay.

Maxamed Cumar Talyaani oo ka mid ah Guddiga gurmadka sameeyey ahna Gudoomiyaha Dhallinyarada  iskana abaabulay Magaalada Johannesberg  ayaa sheegay in dhalinyarada Saddexda ah ay galeen Xaafado u dhow Goobahooda Ganacsi oo ay boob ku hayeen Burcad Koonfur Afrokaan ah sidaasina ay ku badbaadeen.

Dhanka kale Xaaladda Deegaanka Soweto ayaa maanta xasiloon in kastoo ay waqti walba wax is bedeli karaan, iyadoo ku dhawaad Toban (10) Dukaan oo ay Ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin cagta lagu mariyey Boobkii dhacay, halka khasaaraha ugu badan uu gaaray Ajaanibta kale sida Ethiopian-ka iyo Bangladesh.

Goobjoog News