U bood dhigaalka

Dhallinayarda Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay Ka Shaqeynta Midnimada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Abwaanada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhallinyarada iney ka shaqeeyaan midnimada dalka, kana faa’ideystaan fursadaha ay hadda u haystaan iney dalkooda wax u qabtaan.

Abwaan Xirsi Dhuux oo ah guddoomiyaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in munaasabadda 26-ka June ay tahay maalin qaali ah, ayna tahay maalin nabadeed oo gobannimo wadato.

Sidoo kale, Abwaanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed gabi ahaamba waajib ka saaran yahay iney dib u milicsadaan taariikhda dalka oo ay iska fogeeyaan wax walbo oo kala qub-qubi kara.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News