U bood dhigaalka

Dhallinyarada Burco Oo Ka Cabanaya Shaqala’aan

Sheeko:Dalka, War

Dal waxa uu ku dhismaa dhallinyaradiisa oo ka qaybqaata horumarka uu dalka sameynayo, dhallinyarada ku nool magaalada Burco waa qaar rajala’aan ka qaba xukuumadda talada haysa waxa ay hee-haabayaan badweynta shaqala’aanta.

Waxa ay inta badan waqtigooda ku qaataan fadhi-ku-dirir iyo isticmaalka baraha bulshada ay ku xiriiro.

Abuurista goobo ganacsi oo ay ku madadaashaan dhallinyarada waa mid aan u suurtagelin xukuumad kasta, haddaba waa kuwan qaar ka mid ah dhallinyarada oo la hadlay Goobjoog News waxa ayna yiraahdeen:

“Runtii waxaa jira baahiyo badan oo u baahan in wax laga qabto, waxaana ka mid ah shaqala’aanta, taasi oo ah in kumaanka dhallinyarada ah oo ka soo baxaya Jaamacadaha aysan haysan wax shaqo ah”.

Ciyaaraha kubadda cagta ayaa ah kuwo ka qayb-qaata is dhexgalka bulshada iyo jiheynta dhallinyarada m ajiraan goobo ay dhallinyaradu ay ku madadaashaan oo ay hirgelisey dowladdu.

Wasaaradaha dowladda ee ku yaalla magaalada Burco waa kuwo aan fursado shaqo u abuurin dhallinyarada, halka ay jaamacaduhu ay sanad walba soo saaraan arday tiro badan.

Mid ka mid ah dhallinyaradu waxa uu yiri “Sanad walba waxaa ka soo baxa jaamacadaha magaalada Burco arday badan oo u baahan in la shaqageliyo, waxa ay u baahan yihiin shaqo qaran iyo shaqaaleysiin”.

Goobjoog News