U bood dhigaalka

Dhallinyarada Gobolka Mudug Oo Laga Wacyigeliyey Tahriibka

Sheeko:Dalka

Dalladda dhallinyarada gobolka Mudug ayaa sheegtay in ay billaabeen wacyigelin ballaaran oo ku saabsan tahriibka, waxaana laga wacyigelinayaa dhallinyarada gobolkaasi.

Jacfar Yuusuf Cabdalla oo ah guddoomiyaha dalladdan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay billaabeen dadaal badan oo ku saabsan sidii dhallinyarada looga joojin lahaa tahriibka.

Waxa uu tilmaamay in ay yareeyeen tahriibkii badnaa ee dhallinyarada, sidoo kalena ay ka shaqeynayaan isku keenista dhallinyarada Gaalkacyo.

“Waxaan qabannay barnaamij is dhexgal ah oo dhallinyarada dhan ee Gaalkacyo la isku keenayo, dhallinyarada waa ubaxa dalka mana ahan in ay magaalo ay joogaan ku kala qeybsamaan, midda kale waxaan yareenay Tahriibkii, waxaan dhallinyarada ku baraarujinnay in dalkooda ay wax ka qabsadaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa inta badan waxaa laga wacyigeliyaa Tahriibka, waxaana jirta dhallinyaro badan oo intey tahriibeen badaha ku dhammaaday.

Goobjoog News