U bood dhigaalka

Dhallinyarada Jubbaland Oo Kismaayo Ka Bilaabay Olole Nadaafadeed

Sheeko:Dalka

Ururuka Dhallinyarada Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo gaar ahaan xeebta magaaladaasi waxay ka billaabeen olole nadaafadeed, maadaama qashin badan lagu shubo xeebahaasi.

Si gaar ah waxay dhallinyaradan olole nadaafadeed uga sameeyeen xeebta Kismaayo ee dhanka xaafadda calanley, waxaana ay shacabka ku dhiirogeliyeen in qashinka ay geeyaan goobihii loogu talagalay.

Cabdi Barre, waa guddoomiye ku xigeenka magaalada Kismaayo, isaga oo dhallinyaradan kala qeybgalay nadaafaddan ayuu sheegay in ay muhiim tahay ka wada shaqeynta nadaafadda.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenka tilmaamay in xeebta ay tahay bilicdii magaalada, sidoo kalena ay carruurta ku dabaashaan.

“Dadka waxaan leeyahay qashinka ka daaya xeebaha, geeya meelaha loogu talagalay, xeebta waa bilicdii magaalada, waa meelihii loo soo dalxiis tagi lahaa, waa meelihii ay carruurteenna ku dabaalanayeen, caafimaadkooda aan ka shaqeyno” ayuu yiri Cabdi Barre.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in  iyaga oo kaashanaya ururka dhallinyarada Jubbaland ay xoojin doonaan ka shaqeynta bilicda magaalada Kismaayo.

Goobjoog News