U bood dhigaalka

Dhallinyarada Laascaanood Oo Bilaabay u Gurmashada Dadka Kasoo Barakacay Abaaraha

Sheeko:Dalka

Dhallinyaro ku sugan degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa bilaabay qorshe ay ugu gurmanayaan dadka shacabka ah ee kasoo barakacay abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Xaafadaha degmada Laascaanood, waxaa lagu arkayey maalmahan dambe dhallinyaro badan oo koox koox u socota, misane dadka kasoo uruurinaya wax walbo oo loogu gurmanayo qoysaska ay saameysay abaarta.

Waxay dhallinyaradaan sameysteen hal ku dhig ay ugu magac dareen “Maanta qad oo walaalkaa quudi”, waxayna dadka ka aruurinayaan raashiin, dhar iyo sidoo kale lacago ay doonayaan in dadkaasi ku kaalmeeyaan.

Qaar kamid ah dhallinyaradan oo tiro ahaan gaaraya 200 ayaa u sheegay Goobjoog News, waxay sheegeen in maanta aysan ahayn maalintii indhaha laga laaban lahaa dadka abaarta kasoo barakacay, islamarkaana muhiim ay tahay in dadkaasi lala qeybsado dhibaatada.

Shacabka ku dhaqan degmada Laascaanood ayaa iyaguna waxay soo dhoweeyeen gurmadka ay sameynayaan dhallinyaradan, waxaana ay sheegeen in wixii tabartooda ah ay ku kaalmeen doonaan shacabka kasoo barakacay abaaraha ka jira gobolka Sool.

Goobjoog News