U bood dhigaalka

Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Doonaya In Kooto Laga Siiyo Baarlamaanka Soo Socda Iyo Maamulka Dowladnimo

Sheeko:Dalka

Doodda todobaadka ee Goobjoog News oo usbuucani dhallinyarada iyo Siyaasadda looga hadlay waxaa marti ku ahaa xildhibaan Maxamed Amiin, Faadumo Qaran iyo guddoomiyeyaasha dhallinyarada Puntlnad, Galmudug, Hiiraan, Jubbaland iyo dhalinyaro kale.

Doodda waxaa xoogga lagu saaray kaalinta dhallinyarada iyo qaabka ay uga mid noqon karaan baarlamaanka dalka 2016-ka, waxaa sidoo kale barnaamijka ka qeyb galay dadka ku dhaqan gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Amiin oo ah madaxa waaxda dhallinyarada ee baarlamaanka ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin Mustaqbalka dalka, fursado badanna ay u banaan tahay,  isagoo intaa raaciyay in hadda baarlamaanka ay dhallinta ku leeyihiin 7% isagoo rajo ka muujiyay in sanadkan tirada intaa ka badan doonto.

Xildhibaan Amiin waxaa uu muhiim u arkaa in ay ahayd in Xisbiyo ahaan ay dhallinyarada u soo galaan, laakiin hadana ay fursad u furan tahay dhallinta oo odoyaasha ay dhexgalaan si xaqooda u soo dhacsadaan isagoo aad u dhiirigeliyay in dhallinta ay qeyb ka noqdaan hiigsiga 2016-ka iyo doorashada dhacaysa

Faadumo Qaran oo ah guddoomiyaha dhallinyarada Qaran ayaa sheegtay in ay dhallinyarada rajo fiican ka qabaan siyaasadda dalka ee 2016-ka oo ay heli karaan ilaa 25%, oo marka lagu daro kootada haweenka ay heli karaan 50%.

Guddoomiyaha dhallinyarada qaranka waxaa ay dadka u sheegtay in caalamka ay hogaamiyaan dhallinyaro, iyadoo ugu baaqday odoyaasha dhaqanka in ay dhallinyarada caawiyaan sida iyaga u jecel yihiin in carruurtooda loo caawiyo.

Faadumo waxaa ay dhallinyarada ku dhiirigelisay in ay siyaasadda galaan si aanay horumarka dalka marti uga noqon, isla markaana ay qalinkooda ku saxiixaan shaqo kasta oo dalkan u baahan yahay.

Faadumo Qaran waxaa ay ugu dambeyntii soo jeedisay in dhallinyarada ay xoogga saaraan mas’uuliyadda iyo in ay noqdaan kuwa si qarannimo ah u dhaqma.

Jubbaland:

Cabdiwahaab Bilaal Axmed waxaa uu Barnaamijka u sheegay in dhallinyarada ay fursad heystaan, oo ay qeyb ka noqon doonaan ergada doorashada dalka oo ugu yaraan ay helaan 25 qof oo ka tirsan 50-ka.

Bilaal waxaa uu qabaa in dhallinyarada ay yihiin 75%, isla markaana aan  loo baahnayn qoondo ee loo baahan yahay in ay dhallinyarada kuraas badan ay helaan.

Cabdinasir Cumar oo ah guddoomiyaha dhallinyarada Kismaayo ayaa dhankiisa sheegay in ay guul tahay in laga hadlo kaalinta dhallinyarada, isagoo intaa ku daray in ay sii wadi doonaan doodda arrinkaas ku saabsan.

Galmudug:

Caruusa Macallin Maxamed: Guddoomiyaha dhallinyarada Galmudug ayaa isna sheegay in aanay wax rajo ah ka qabin sanadkan in ay dhallinyaro soo galaan baarlamaanka dalka ama tiro badan ay helaan, xitaa dhalliyarada soo galaya waxaa uu qabaa in ay soo xuleen odoyaasha beesha oo ay iyaga matali doonaan.

Caruusa waxaa uu sidoo kale soo qaatay in ay jiraan cadaadis iyo sadbursi ay dad badan wadaan oo ah in aan dhallinyarada wax loo ogolayn sanadkan 2016-ka, laakiin ma rajo dhigeyno ayuu Caruusa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Hiiraan:

Maxamed Buraalle oo ah guddoomiyaha dhallinyarada Hiiraan ayaa rajo xumo ka muujiyay 4.5, laakiin waxaa uu amaanay in dhallinyarada ay sanadkan ku hamiyaan Xildhibaannimo, Buraale waxaa uu sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay midnimo iyo in ay qabsadaan shirar, odoyaashana lagu dhiirigeliyo in dhallinyarada la soo saaro.

Puntland:

Aways Axmed Sardheeye oo isna barnaamijka ka qeybqaatay ayaa sheegay in dhallinyarada aanay kaalin ku lahayn siyaasadda marka la fiiriyo Koonto la’aanta dhallinyarada, Sardheeye waxaa uu intaa raaciyay in ay ku dadaalayaan in ay 50-ka dad ku lahaadaan oo go’aanka wax ku yeeshaan, oo aan lagu ekaan hadal iyo in la baroor diiqo marka ay dhallinyarada biyaha ku dhintaan ama waxbarashada ay ka baxaan ama dhib kale uu ku dhaco.

Cabdifitaax Cali Xasan oo ka jawaabayey sababta ku dhalisay in uu isu sharaxo Xildhibaannimo ayaa waxaa uu sheegay in uu muddo ku soo dhex jiray ururka dhallinyarada qaranka iyo ururo kale iyo in dhallinyarada ay helaan matalaad.

Cabdifitaax Cali Xasan waxaa uu soo jeediyay in dhallinyarada qeybtooda la siiyo si looga fogaado in dhallinyarada ay Tahriibaan iyo dhibaatooyin kale, waxaa uu soo jeediyay in Kooto ilaa 30% la siiyo dhallinyarada Soomaaliyeed sanadkan si beelaha waaweyn ay beel walba 18 xildhibaan uga soo baxaan iyo beesha 5-aad 9 dhallinyarada..taasi oo lagu heli karo illaa 83 Xildhibaan oo dhallinyaro ah.

Cabdifitaax Cali Xasan waxaa uu ugu dambeyntii ugu baaqay in odoyaasha ay sanadkan ka faa’iideystaan fursadda ugu dambeysa ee odoyaasha la siiyay, qalinkana ay dhallinyarada xildhibaannimo u saxiixaan.

W/D:- Cabdicasiis Axmed Gurbiye

Goobjoog News