U bood dhigaalka

Dhallinyaro Is Xilqaamay Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilaabay Igoyska Zoobe

Sheeko:Dalka

Dhallinayarada Soomaaliyeed ayaa maanta si aan kala har lahayn waxay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ka bilaabay olole nadaafadeed oo dib loogu soo celinayo bilicda halkaasi.

Dhallinyaradan oo si iskood ah isku soo diyaariyey ayaa waxay maanta muujiyeen wadajirka iyo in weli ay jiraan dhallinyaro u heelan wax u qabashada dalkooda.

Waxay nadiifiyeen inta badan laamiga Zoobe, waxaana sidoo kale ay qaadeen haraadiga qaraxii ka dhacay halkaasi, iyaga oo sidoo kale caawiyanayey kooxaha gurmadka iyo ciidanka halkaasi ka waday raadinta haddii ay jiraan dad ku hoos jira burburka dhismayaasha.

Qaar kamid ah dhallinyaradan oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen iney ay howshaan wadi doonaan inta ay dib uga soo celinayaan bilicda isgoyska Zoobe iyo nawaaxigiisa.

Sidoo kale, waxay dhallinyaradan sheegeen in dal walbo dadkiisa dhisto, ayna diyaar u yihiin iney muujiyaan in dalkaan ay leeyihiin oo aanay jirin cid iyaga ka xigta iyo cid kale oo uu sugayo.

Waxaa burburay inta badan dhismayaashii ku yaallay hareeraha Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kadib qarax xooggan oo sabtidii ka dhacay halkaasi.

Goobjoog News