U bood dhigaalka

Dhallinyaro Iskood Isku Abaabushay Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilaabay Gudaha Hargeysa

Sheeko:Caafimaadka

Koox dhallinyaro ah ayaa oo is abaabulay ayaa wacyi-gelin la xiriirta nadaafad darrida waxaa ay ka sameeyaan qaar ka mid ah Iskuullada iyo goobaha caafimaad ee magaalad Hargeysa.

Wacyigelintan waxaa ay inta badan siiyaan ardeyda dugsiyada hoose iyo Hooyooynka ku sugan goobaha caafimaadka gaar ahaan meelaha xanaanooyinka.

Dhallinyaradan oo si iskood ah isku abaabulay ayaa ah urur ka shaqeeya nafaqeynta Hooyada Ibraahim Cabdi Cawad waxaa uu ka mid yahay kooxdan dhallinyarada ah waxaa uu ka warbixinayaa ujeedada ay xilligan ay u bilaabeen wacyi-gelintaan Nadaafadeed waxaa uuna yiri.

“Waxaan wacyi-gelintaan u bilownay in lagu jiro xilli roobaadka waxaana yimaada cudurro badan oo ka dhasha nadaafad darrida, waxaan maanta fulinay wacyi-gelin ku saabsan in aan lagu dabaalan biyaha wasaqeysan”.

Farriimo xambaarsan ilaalinta nadaafadda iyo bad-qabka qofka ayey ku dhajiyaan darbiyada mudada ay ku jiraan howshaan.

Dhaqaalaha ay ku shaqeeyaan dhallinyaradaan waxaa ay ka keenaan lacago ay iyaga iska aruuriyaan, waxayna shaqeynayeen ilaa iyo hadda muddo sanad ah.

Goobjoog News