U bood dhigaalka

Dhallinyaro Ku Nool Wadanka UK Ayaa Degmooyinka Yaaqshiid Iyo Hiliwaa Ka Aasay Aasay Labo Koox Oo Kubbadda Cagta Ah

Sheeko:Cayaaraha

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka UK ayaa Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ka aasay aasay labo koox oo kubbadda cagta ah,iyagoo ugu tala galay in ay dhallinyarada ay ka taageeraan xirfadooda isboortiga waxaana kooxda Jubba Youth hindisay dhallinyarada kala ah Caamir Cabdiraxmaan Xuseen  iyo Zakariye Cabdi Xasan.

Markii aan kusoo laabanay dalka waxaan aragnay baahi badan oo haysta dhallinyarada aniga iyo saaxiibo badan oo ku nool magaalada London ayay nagu dhalatay in aan caawino dhallinyarada,sababta loo aas aasay kooxda Jubba ayaa ah in ay wax baan ka badasho Soomaaliya,waxaanse rajaynaynaa in aan mustaqbalka soo saarno caruur badan oo saameyn ku leh Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Caamir Cabdiraxmaan Xuseen oo ah guddoomiyaha guud ee naadiga Jubba Youth.

Guddoomiyaha Jubba Youth ee caasimada Muqdisho Cabdullahi Maxamuud Sanka ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay in ay dhiirigeliyaan dhallinyarada in ay kooxo badan oo nuucyada ciyaaryaha ka aas aasan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dhamaana gobolada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Yaaqshiid Xasan Tahliil ayaa u mahad celiyay dhallinyaradii aas aastay kooxda Jubba Youth ,wuxuuna balan qaaday in degmada Yaaqshiid ay diyaar u tahay in ay garab istaagto kooxdan oo muhiim degmooyinka dariska ah ee Yaqiishiid iyo Hiliwaa.

Macalinkii hore kooxda Hirshabeele iyo Saxafi FC Cabdi Isaaq Maxamed (Cabdi Kuus) ayaa bogaadiyay howlaha horomarinta ay wadaan  maamulka iyo macallimiiinta naadiga Jubba,isagoo kula dardaarmay in degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ay ka her geliyaan fursad siinta dhallinyarada.

Guddoomiyaha Ciyaaraha  Degmada Hiliwaa Ismaaciil Cali Axmed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shaqooyinka is dhaxgalka bulshada ay degmooda ka bilaaween dhallinyarada hindisay kooxda Jubba Youth,isagoo geesta kale sheegay in markasta ay tahay in loo mahad celiyo Caamir Cabdiraxmaan Xuseen iyo Zakariye Cabdi Xasan iyo walaalaha kale ee is xilqaamay.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan Kooxda Jubba Youth

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/860695324357594/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle