U bood dhigaalka

Dhallinyaro Ku Xiren Maraykanka Oo Cabasho Ka Ah Safaaradda Soomaaliya Ee Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maraynkanka ayaa cabasho waxay ka yihiin safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, kadib markii ay sheegeen in la doonayo si qasab ah in dalka loogu soo celiyo.

Nuur Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in qarash badan uu ka baxay, islamarkaana si qaxooti ahaan markii ay ku tageen Mareykanka ay isku dhiibeen waaxda socdaalka, balse markii dambe xabsi la geeyey loona sheegay in dib loo celinayo.

Waxa uu sheegay Nuur in safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka ay kala caddeyn la dahay in la daayo iyo in kale, wuxuuna sheegay in qusulka safaaraddaasi uu isaga si gaar ah u amrayo in dadkaan dalka loo soo celiyo.

“Annaga dalkaan imaanshiyahiisa rafaad baan usoo marnay qarash badanna wuu inaga baxay, dowladda Maraykanka waxay  leedahay annaga idiin ma haysanno ee waxaa idin haysta safaaraddiina, gaar ahaan waxa na haysto waa qunsulka oo leh dalka ayaa la idiin celinayaa, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in degdeg ay arrintan wax uga qabato” ayuu yiri Axmed Maxamed.

Samiir C/raxmaan waxa uu isagana kamid yahay dhallinyarada ku xiran dalka Maraykanka gaar ahaan xabsiga SBC ee gobolka Florida, waxa uu sheegay in qof walbo oo Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan arrintan maadaama waqtiga uu yahay mid sii socda.

Dhallinyaradan qaarkood waxay halkaasi ku xiran yihiin Saddex sano, iyadoo weli aanu jirin cid la deeyey, dhanka kalena safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka oo aynu xiriir la sameynnay inooma suurtagelin inaan helino mas’uuliyiintooda.

Goobjoog News