U bood dhigaalka

Dhallinyaro Ku Xirnaa Koonfurta Sudan Oo Laga Soo Dejiyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Safaaradda Soomaaliya ee K/sudan ayaa magaalada Muqdisho waxay keentay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalkaasi.

Dhallinyaradan oo tiradooda gaareysay 17 ayaa la sheegay in dalkaasi lagu xiray xilli ay tahriib ahaayeen.

Dhammaantood waxaa laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde, iyadoo sii deyntooda ay ku guuleysatay safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan.

Waxaa jira dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku xiran dalalka caalamka qaarkood, laguna haysto dambiyo kala duwan, balse u baahan in dowladda Soomaaliya u gurmato.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News