U bood dhigaalka

Dhallinyaro Lagu Afduubtay Garoowe Oo Dib u Helay Xorriyaddooda

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Puntland iyo ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa ku guuleystay in dib ay xorriyadooda u helaan dhallinyaro kasoo jeedda Somaliland oo 31-kii March lagu afduubtay magaalada Garoowe.

Dhallinyaradan ayaa lagu magacaabaa Xamse Timaca Cadde iyo C/qaadir Maxamuud, kuwaasi oo ka yimid magaalada Burco, islamarkaana waxay Baasaboorka Soomaaliya usoo doonteen Garoowe.

Labadan wiil, waxaa qafaashay dhallinyaro kale oo sheegay in ay ku doonayaan in loo soo daayo wiil kale oo isna Burco ku xiran.

Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo dhallinyaradan gacanta ku haya kadib sii deyntooda ayaa sheegay in marka hore ay aad uga xunyihiin wixii dhacay, isaga oo dhanka kalena raaligelin ka bixiyey dhibta dhacday, wuxuuna dhallinyaradan mid mid u weydiiyey haddii ay jiraan dhibaato loo geystay.

Xamse Tima Cadde oo isna ka hor hadlay waxgaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa sheegay in wax dhib ah aan loo geysan mudadii la hayey, hantina aanay ka maqneyn.

“Waad ku mahadsan tihiin dedaalka aad sameyseen, annaga wax dhib ah oo aan tirsaneyno ma jirto, hanti nagama maqna xitaa af xumo nalooma geysan” ayuu yiri Xamse.

Taliye ku xigeenka Labaad ee Booliiska Puntland, Cismaan Xasan Cawke oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dhibkan uu keenay dad ku xirxiran dhanka Somaliland, wuxuuna maamulkaasi ugu baaqay iney soo daayaan shaqsiga dartiis ay dhallinyaradan u sameeyeen Afduubka ee ku xiran magaalada Burco.

Goobjoog News