U bood dhigaalka

Dhallinyaro Lagu Diley Boosaaso

Sheeko:Amniga

Rag hubeysan ayaa xalay waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dileen Labo wiil dhallinyaro ah kuwaasi oo kamid ahaa dhallinyarada waxbaratay ee magaaladaasi.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News in ragga wax diley ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo dhanka kalena la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka.

Lama oga sababta ka dambeysay in la dilo dhallinyaradan, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo fal sidan ah uu ka dhaco Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa waxay sameeyeen howlgallo aan weli wax natiijo ah laga sheegin.

Boosaaso ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal iyo sidoo  kale qaraxyo, waana magaalada Ganacsiga ee Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News