U bood dhigaalka

Dhallinyaro Si Iskood Ah Biyo Dhaamin Uga Bilaabay Duleedka B/weyne

Sheeko:Dalka

Dhallinyaro si iskood ah isku xilqaamay ayaa deegaanka Ceeljaalle oo duleedka ka ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan waxay ka bilaabeen biyo dhaamin, xilli halkaasi ay ka jirtay biyo la’aan baahsan.

Biyahan oo ah kuwo macaan ayaa la gaarsiiyey qoysas badan oo barakac ku ah deegaankaasi.

Qaar ka mid ah dadkii biyahan loo geeyay ayaa aad ugu mahadceliyey dhallinyarada Hiiraan oo aan hay’ad ku tiirsaneyn misane biyo u qeybiyey barakacayaasha ku sugan Ceeljaalle.

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Hiiraan, Maxamed C/laahi Buraalle ayaa balanqaaday iney sii wadi doonaan dedaalladan, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada in iyaguna ay kaalintooda ka qaataan.

“Waxaan rabnaa in maalin walbo aan biyaha geynno meelaha daran, waad ogtihiin biyo la’aanta jirta, waxay ahayd in laga hortago biyo la’aanta, dadkan wax walbo ayeey u baahan yihiin, waxaan ugu baaqeynaa dadka wax baxsada in dadkan ay gurmad lasoo gaaraan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Gobolka Hiiraan iyo deegaanno badan oo dalka ah waxaa xilligaan ka jirta biyo la’aan baahsan.

Goobjoog News