U bood dhigaalka

Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Ku Xiran Xabsiyo Ku Yaalla Maraykanka Oo Raashiinka Ka Soomay

Sheeko:Dalka

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Maraykanka ayaa ka soomay raashinkii kadib markii ay sheegeen inay waayeen caddaalad, islamarkaana aanay haysan xurriyad.

Aadan Sheekh Nuur oo ka mid ah dhallinyaradan oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegay in muddo ka badan Sanad ay ku xiran yihiin Xabsi ku yaalla Florida, islamarkaana markii la xirayey ay dalka Maraykanka sharci darro ku galeen.

Waxa uu sheegay in hadda ay gaarayaan 45 qof, islamarkaana ay ka soomeen raashiinka kadib markii ay maqleen in safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ay sheegtay in dalka ay dib ugu soo celin doonto.

Waxa uu tilmaamay in markii hore ay ahaayeen 100 qof, balse dadkii kale la iska sii daayey, iyaguna muddo badan ay xabsiga isaga jiraan.

“Wadankaan waxaan kusoo galnay sharci darro waxaan kasoo baxay South Africa ku dhawaad 10 waddan ayaan soo maray, markii aan halkaan nimid waxaa na qabtay ciidankii wareysi ayeey nala yeesheen maxkamad ayeey na geeyeen, waa nala xiray markii dambe xukun la’aan, waxay nala xiriiriyeen safaaradeenii, waxayna safaaraddii dhahday dadkaan dalkooda ayaa nabad ah oo dib loogu celinaa, annaga hadafkii aan lahayn halkaan ayeey ahayd rafaad badan kadib Sanad ayaan xirannahay, Maraykanka ayaaba la yaaban safaaradeenii oo xabadka u garaacanaysa in dib naloo celiyo, xabsiga aan kugula hadlayo 100 ayaan kusoo galnay sharcigii waa naloo diiday 45 ayaan kusoo harnay laakiin intii kale waa la iska fasaxay” ayuu yiri Aadan.

Waxa uu tilmaamay in hadda 9 ka mid ah dadka raashiinka ka soomay ay aad u liitaan, ayna doonayaan in dalkaasi ay ku noolaadaan bedalkii dalkooda loo soo celin lahaa ama meeshooda ku dhintaan.

“Annaga in ka badan 20 kun oo doolar baa qofkii kasoo baxday, safaaraddii ayaaba u carareysa inay dalka naga waddo Maraykankiina wuu la yaaban yahay waxa ay safaaradda sameynayso, dowladda Federaalka waxaan leenahay dalka nabad ma ahan ajaaniib baa idinkaba meesha idiin ku ilaalisee naga daaya walaalayaalow waxaad nagu waddaan waliba baryo ayeey naga tahay” ayuu hadalkiisa raaciyey Aadan.

Dhinaca kale waxaa Goobjoog News u suurta gelin xiriir ay la sameysay safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Maraykanka si aynu wax uga ogaanno wax ka jira arrintan.

Goobjoog News