U bood dhigaalka

Dhaqaale yahan Mareykan ah: Obama Qaata oo Erdogan Na Siiya

Sheeko:Caalamka

Dhaqaale yaahanka caanka ah ee reer Mareykan Arthur Laffer ayaa aad u amaanay siyaasadda  dhaqaale ee dalka  Turkiga isagoo madaxweyne Erdogan ku ammaaney inuu ku guuleystay siyaasadda dhaqaale ee dalkiisa.

Khabiirkan oo hadal jeedin ka sameeyay Khamiistii caasimadda Turkiga ee Ankara,  kana qeybgalayay dood cilmiyeed ku saabsan guulaha dowladda Turkiga ee siyaasadda dhaqaalah guud ayaa waxa uu yiri; ” Haddii aad dooneysaan inaad aragtaan dhaqaale xun waxaan idinku baaqayaa inaad Mareykanka booqataan, waxaanan wataa gorgortan ah inaan Erdogan na sii saan (Madaxweynaha Turkiga), oo aad qaadataan Obama.”

Laffer ayaa waxa uu farta ku fiiqay in barwaaqada dhaqaale ay ku xiran tahay 5 tiir oo asaasi ah, heerka canshuurta dowaldda oo hooseysa, gaar ahaan canshuurta tooska ah, kharashaadka dowaladda oo la xakameeyo, kaydka Bankiyada oo  xoogan, iyo ganacsiga xorta ah.

Waxa uu tilmamay khabiirkani in si khaldan dunada looga arko dhaqaalaha Turkiga, laakiin xaaladdu ay sidaa ka duwan tahay;  ” Waxaan aamin sanahay in dhaqaalaha Turkigu uu meel fiican marayo, ee haddii aad dooneysaan inaad aragtaan si dhab ah dhaqaale xun, waxaad booqataan Mareykanka, waxaanse wataa gorgortan ah inaad na siisaan Erdogan oo aad Obama nooga bedelataan”, waana sida uu hadalka u dhigay khabiirkan dhaqaale yahanka ah oo aad u amaamey madaxweynaha Turkiga sida wanaagsan ee uu u kobciyay dhaqaalaha waddankiisa.

Khabiirkani waxa uu aad u amaanay siyaasadda dhex dhuuqsiga dhaqaale ee dowaldda Turkigu ku dhaqanto, waxa uu caddeeyay in haddii sidan ay ku sii socoto uu si weyn u kobci doono dhaqaalaha dowaladda Turkiga, barqaada dalkaasina ay sii kordhi doonto.

Mar uu ka hadlayay raadka dhaqaalaha uu ku yeelan karo afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga ayuu khabiirkani tilmamay in isku daygaasi uu sii xoojiyay un in dadka maalgashadayaasha ah ay ku kalsoonaadaan dalka Turkiga, isagoo tilmamay in arrintaasi saameyn Togan ku yeelandoonto dhaqaalaha Turkiga.

Waxaa xusid mudan, in Arthur Laffer uu ku dhashay gobolka Ohio ee dalka Mareykanka sanadkii 1940-kii, waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha siyaasadda dhaqaalaha Mareykanka ee madaxweyne Ronald Reagan, waxa kale oo uu la -taliyaha dhanka siyaasadda dhaqaalaha u noqday ra’isul wasaare Margaret Thatcher ra’isul wasaarihii hore ee geeriyootay ee dalka Ingiriiska.

Goobjoog News