U bood dhigaalka

Dhaqaatiir U Dhashay Cuba Oo Lagu Afduubtay Dalka Kenya.

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa ku afduubtay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba meel u dhaw xuduudda Kenya ay la leedahay Soomaaliya maanta oo Jimce ah waxaana xilliga la afduubanayey dhaqaatiirtaas ay kusii jeedeen goobtooda shaqada. Ka hor inta aan la afduuban labadan muwaaddin ee kasoo jeeda Cuba waxaa la toogtay sarkaal Boliis ah oo ilaalo u ahaa sida ay sheegeen saraakiil u hadlay ciidanka Kenya.

Taleefishinka KTN NEWS ee dalka Kenya ayaa sheegay in Boliiska ay uga shakisan yihiin dhacdadan kooxda gacan-saarka la leh AlQaeda ee Alshabaab. Muuqaal uu baahiyey Taleefishinka Citizen ayaa muujinaya Boliiska Kenya oo difaacyo ka sameysanaya waddo aadda dhanka xuduudda Soomaliya iyo Kenya.

Afhayeenka Boliiska dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay in Dabley wadata laba gaari oo Toyota ah inay joojiyeen gaarigii ay la socdeen labada dhaqtar iyo laba sarkaal oo Boliis ah xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandera.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in Dableydu ay toogteen sarkaal Boliis ah iyagoo markaas kaddib ula baxsaday dhaqaatiirta dhinaca xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Owino wuxuu sheegay in gaariga oo laga lahaa Isbitaalka Mandera halkaas oo ay dhaqaatiirtu ka shaqeynayeen dib loo helay iyadoo la xiray darawalka oo su’aalo laga weydiinayo dhacdadan. Owino si cad uma sheegin cidda ka dambeysa weerarkan marka laga reebo tuhunka ah in Alshabaab ay ka dambeeyeen.

Xarrakada Alshabaab ayaa marar badan sheegatay weerarro ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Woqooyi-Bari Kenya halkaasoo dad badan oo shacab iyo ciidan ah lagu dilay. Bishii Nov shan qof oo ay laba carruur ah ku jiraan ayaa la dhaawacay waxaana la afduubtay haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga.