U bood dhigaalka

Dhaqaatiirta Oo Ka Digeysa Qatar Caafimaad Oo ka Dhalata Qashinka Lagu Shubayo Webiga Shabeelle

Sheeko:Caafimaadka

Ilaalinta nadaafadda deegaanka waxa ay mas’uuliyad ka saaran tahay bulshada ku nool deegaanka iyo sidoo kale maamulka meesha ka arrimiya.

Webiga shabeelle oo dhex mara magaalada Afgooye ee gobolka shabellada hoose kama jirto wax nadaafad ah, qashin badan ayaa lagu soo daadiyey hareeraha iyo bartamaha webiga Shabeelle ee mara Afgooye.

Ganacstada gaar ahaan kuwa maqaayadaha ayaa waxaa la sheegay in qashinka ugu badan ay ku shubaan bartamaha webiga, waxaa sidoo kale xusid mudan in musqulaha ku yaallo hareeraha webiga loo isticmaalo in lagu soo daro webiga .

Arintani ayaa waxaa ka digaya qubarada dhanka caafimaadka, kuwaas oo sheegay in xaaladdani ay dhibaatooyin caafimaad ay ku yeelan doonto bulshada ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Sh/ hoose.

Dadka deegaanka oo qaarkood la hadlay Goobjoog News ayaa ka sheekeynaya isbadalka ku yimid webiga.

Mid ka mida dadka deegaanka waxa uu yiri “Waagii hore waxaa laga shaqeyn jiray wanaagga webiga, hadda balse waxaa timid in qof walba uu webigii ka dhigay qashin-qub, maqaayadaha iyo xaafadaha qashinka laga soo qaado ayaa lagu shubaa”.

Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in horay digniino badan ay u siiyeen bulshada degmada oo ku aaddan in ay ilaaliyaan nadaafadda deegaanka, balse maamulka ayaa caddeeyay in arintaasi ay ka dhaga adeygeen bulshada.

Dhaqaatiirta ayaa ka digaya in laga digtoonaado in qashin lagu shubo gudaha webiga, taasi oo keeni karta in dadka ay la kulmaan xanuuno sida shuban-biyood.

Mid ka mida dhaqaatiirta oo la hadlay Goobjoog News ayaa yiri “ Maalmahaan dambe waxaa la caadeystay arrin aad u xun oo ah in qashinka magaalada oo dhan lagu shubo webiga, taas waxaa ka dhalan kara cudur walba oo dadka naafeyn kara, waxa ugu horreeya oo ka imaan doona waxaa waaye shuban-biyoodka, kaas oo nafsadda bani’aadanka halis ku ah”.

Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay wax ka qaban jirtay nadaafadda webiga Shabeelle, kaasi oo mara bartamaha magaalada Afgooye waxaana qashinka webiga soo gala lagu xaaqi jiray Katara-biillo.

Goobjoog News